Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo Qarax ku qabsaday Sh.dhexe

2
The wreckage of a minibus is seen at the scene of an explosion near a military base in Somalia's capital Mogadishu, April 9, 2017. REUTERS/Stringer

Ugu yaraan 17 ruux ayaa geeriyootay halka afar kalena ay dhaawacmeen, ka dib markii miino ay la kacday gaari nuuca dadwaynaha oo marayay wadada u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay haleeshay gaariga xili uu maraayay Buundada laga soo galo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe

Goobjoogeyaal ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in dadkii gaariga saarnaa ay ka badbaadeen kaliya afarta ruux ee dhaawacmay, kuwaasi oo uu kamid yahay darawalka Gaariga.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa u soo gurmaday ciidamada dowladda ee halkaasi ka dhowaa, iyagoo dhaawaca gaarsiiyay xaruumaha caafimaadka.

Gaariga qaraxa haleelay oo ahaa nuuca loo yaqaano Hoomeyda ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xaruunta ku-meel gaarka ah ee Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda weli faah-faahin kama bixin dhacdadan ay ku geeriyoodeen dadka shacabka ah.