DFS oo maanta daah-furtay tallaal cusub

4

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta daah-furtay qaadashada tallaalii labaad oo looga hortagayo xanuunka COVID-19, kaasi oo ay ku deeqday dowladda Shiinaha.

Safiirka Shiinaha, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa qaatay tallaalka nuuciisa labaad ee loo yaqaano  Cinovac.

Safiirka Shiinaha sheegay inay sii wadi doonaan kaalamada Caafimaad ee Shiinaha ay ugu deeqayaan Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya, Dr Axmed Xuseen Macalin, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii qaadatay talaalkaan ayaa bulshada ugu baaqay in ay qaataan tallaanka.