Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyey boqolaal maxaabiis ah

16

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyay maxaabiis gaareysa 484 oo ku xirnaa xabsiyada deeganada Somaliland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu yiri, “Waxaan go’aansaday in laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed. Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 484maxbuus.”