Maxaa ka dhaxeeya Sacuudiga iyo shirqoolkii Jordan?

1
Jordan's King Abdullah II and Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman attend the Future Investment Initiative FII conference in the Saudi capital Riyadh on October 23, 2018. - Saudi Arabia is hosting a key investment summit overshadowed by the killing of critic Jamal Khashoggi that has prompted a wave of policymakers and corporate giants to withdraw. (Photo by FAYEZ NURELDINE / AFP)

Sacuudi Carabiya ayaa si adag u beenisay inay ku lug leedahay muranka boqortooyada Jordan, hase yeeshee xariga la-taliyaha dhaxal-suge Mohamed bin Salman ayaa qalqal ka abuuray Riyadh, oo ilo-wareedyo ay sheegayaan inay riixeyso sii-deyntiisa.

Bassem Awadallah, oo loo arko shaqsi saameyn leh oo wax badan ka og xogaha hoggaanka Sacuudiga, ayaa lugaha la galay muranka ka dhex-oogan boqortooyada Jordan, kadibna loo xiray.

Riyadh waxay si rasmi ah u taageertay boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan, kadib markii uu xabsi guri maalmo socday geliyey walaalkiisa Amiir Hamza iyo shaqsiyaad kale oo lagu tuhmay dhaq-dhaqaayo lagu qeexay “shirqool afgambi.”

Saraakiisha Sacuudiga ayaa ku gacan seeray inay ka dambeeyeen khilaafka, ayaga oo ku adkeystay in dagaallada sidan oo kale ah ee boqortooyada dhexdeeda ah ay saameyn halis ah ku yeelan karaaan boqortooyooyinka kale ee gobolka.

Tuhunka laga qabo Sacuudiga ayaa soo ifbaxay markii Jordan ay soo jeedisay in gacan “shisheeye” ay ka dambeysay xiisadda, ayada oo kormeerayaal ay durbadiiba farta ku fiiqeen Riyadh.

Xiisaddan ayaa sidoo kale timid markii ay warbixino warbaahineed sheegeen in xiriirka sii wanaagsanaanaya ee Sacuudiga iyo Israel ay Jordan ku weyn karto maamulkeeda goobaha barakeysan ee Qudus, oo uu ku jiro masjidka Al-Aqsa.

Hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow hoggaanka Sacuudi Carabiya ayaa AFP u sheegay in Riyadh “aysan wax dan ah ka laheyn xasillooni darrada Jordan,” oo muddo fog xulufo la ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa hoggaamiyey wafdi toddobaadkii hore tegay Amman, si loo muujiyo wax loogu yeeray is-garab taagga Abdullah.

Safarka ayaa yimid, sida ay sheegeen ilo-wareedyo, ayada oo madaxda Sacuudiga ay dareemeen in boqorka ay dhinacyo kale ku shubeen xan u baahan in si toos ah loogu beeniyo, oo aan lagala hadal taleefon.