Ciidamo Ka Goostay Dowladda Federaalka Oo Isku Dhiibay Maamulka Puntland

2

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa Mgalaada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug kusoo bandhigay Ciidamo la sheegay inay ka goosteen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada lasoo bandhigay oo isugu jira Saraakiil iyo Askar lana hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay kamid ahaayeen Ciidamada Haramcad iyo Gor-gor ee dowladda, ayna tababar kusoo qaateen dalka Turkiga.

Waxaa ay sheegeen Ciidamada in markii hore ee deegaanada Puntland ay uga tageen sidii ay uga mid noqon lahaayeen Ciidamada dowladda oo ay ugu shaqeyn lahaayeen Qaranka, hayeeshee hadda ay go’aan ku gaareen inay dib ugu laabtan deegaanadooda.

Sarkaal kamid ah Ciidanka lasoo bandhigay ayaa sheegay inta uu ku jiray Ciidanka dowladda uu la kulmay hab maamul aan wanaagsaneyn, isla markaana ay waayeen wixii ay filayeen iyo dowladnimo Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo ay sheegeen inay diyaar u yihiin difaaca dhulka Puntland, ayna la shaqeeyaan Ciidanka Daraawiishta Maamulka, iyagoona u mahadceliyay Wasiirka Maaliyada Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirada amniga iyo Maaliyada Puntland, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa Ciidamada ka baxay dowladda ee ku biiray Maamulkaas ku qaabilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.