Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo xukun adag ku riday askari dilay qof shacab ah

12

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybteeda 27-aad ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo qof shacab ah horay u dilay.

Dabale Galad Xaashi Warsame oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Nabad-sugidda ayey maxkamaddu sheegtay in dhawaan uu qof shacab ah ku dilay duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybteeda 27-aad Gashaanle Maxamed Aamiin oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukumay Dabale Galad Xaashi Warsame oo ka tirsanaa ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Hiiraan.