Wasiir Oomaar oo diiday xilka wasiir ee loo magacaabay

0

Maxmed Cabdullaahi Sallaad Omaar, Wasiirkii hore ee wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo iskushaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiiradda Soomaaliya loogu magacaabay in uu qabto xilka wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa iska diiday xilkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo digreeto ka soo saaray xafiiskiisa ayaa waxaa lagu sheegay in Maxmed Abdullaahi loo magacaabay wasiirka wasaaradda shaqada.

Laakiin Oomaar oo war qoraal ah ku soo qoray Bartiisa Facebooka waxa uu ku sheegay in uusan dooneyn xilkan loo magacaabay.

Mudane Oomaar ayaa sheegay in sababo u gaar ah dartood uu xilkaasi awoodin qabashadiisa.