Iran oo fariin hanjabaad ah u dirtay xukuumadda Israel

3

Wasaaradda arrimaha dibbadda Iran ayaa ku goodisay inay ka aar gudan doonto xukuumadda Yahuuda oo ay ku eedeysay inay ka dambeysay qarax shalay ka dhex dhacay warshad Nukliyeer oo Iran ku taala.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Iran waxaa lagu sheegay in Israel ay mas’uul ka tahay weerarka ka dhex dhacay warshada Nukliyeerka ee Nataanis.

Warkaan oo lagu baahiyay warbaahinta dawlada ayaa lagu sidoo kale lagu sheegay inuu jiro khasaaro weyn uu gaaray warshada oo lagu bacrimiyo.

Xukuumadda Israel willi kama ay hadlin eeda iyo hanjabaada Iran uga timid.