Hay’adda Save The Children” Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya cunno yari”.

15

Hay’adda arrimaha gargaarka ee Save The Children ayaa sheegtay in saameynta ka dhalatay ayaxa iyo abaaraha ay malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ay u horseedeen inay soo wajahdo cunno yari.

Waxay hay’adda sidoo kale sheegtay in xilligan laga yaabo in hoos ay u dhacaan boqolkiiba 80 wax soo saarka beeraha Soomaaliya.

Halka dhaqaalaha kasoo baxa nafciga xoolaha la filayo in uu hoos u dhaco boqolkiiba 55.

Waxay intaas ku dartay in qaar kamid ah carruurta Soomaaliya ay la daalaa dhacayaan nafaqo darro.

Deegaanno oo ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa ka taagnaa oon iyo biyo la’aan baahsan oo dadka iyo duunyada haystay.