Puntland oo DF ku eedeysay inay caqabad ku tahay dhismaha wadada xariirisa Boosaaso iyo Garowe

1

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay caqabad ku noqotay dhismaha wadada xiriirisa Garowe iyo magaalada dakedda leh ee Boosaaso.

Guddoomiye Cawil ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday in ay dib ugu soo laabtaan deegaanada Puntland injineero ajaanib ah oo dhisayay wadadaas, kuwaas oo markii hore dalka uga baxay sababo la xiriira Coronavirus.

“Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka caqabad ku noqotay dhismaha wadadan oo ay diiday in ay soo noqdaan injineeradii ka shaqeynayay, waxaana marqaati ah gaadiidka gadaasheena yaalla oo ahaa kuwii ay ku dhaqeynayeen howlwadeenadii shirkaddii Shiineyska ahayd ee qandaraaska dhismaha wadada heshay oo xiligii uu caalamka ka dhacay Coronavirus dib ugu noqday dalkoodii” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa hadalkan jeediyay shalay mar isaga iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ay booqdeen aaga ugu halista badan wadadaas oo ah dooxada Midigar ee u dhaxaysa Garowe iyo tuulada Sinujiif, waxuuna sheegay guddoomiye Cawil in hadda la qorsheeyay in wadada lagu dhiso isku tashi.

Sabtida maanta ah ayaa Garowe lagu qabanayaa shir ay ku baaqeen isimada gobolka Nugaal, kaas oo dhaqaale loogu uruurinayo wadada, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cawil Axmed.