Banaanbaxayaal Hor Leh Oo Lagu Dilay Dalka Myanmar

0

Ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ayaa dhintay , kadib markii ciidanka Myanmar ay rasaas ku fureen mudaaharaadayaal  kasoo horjeeday xukunka Militariga ee dalkaas.

Dad goobjoogayaal ayaa warbaahinta Maxaliga u sheegay inay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay rasaasta Ciidamada.

Ciidanka Myanmar ayaa awood u adeegsanaaya shacabka si ay u joojiyaan bannaanbaxyada dalkaas ka socda tan iyo markii ay afgenbiyeen xukuumaddii rayadka billaawgii February.