Natiijada kiiska dilkii C/Xakiin Dhegajuun oo lagu wareejiyey Xeer Ilaalinta Guud

10

Guddigii ay xukuumadda Soomaaliya u xil saartay baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun oo maanta galka baarista kiiskaas ku wareejiyey xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Cabdi Warsheere (Cali Yare) oo kamid ah ehellada Guddoomiyihii la dilay ayaa sheegay in baaritaanka kiiskaas oo soo bilaawday bilowgii sanadkan ay u gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka amniga Xasan Xundubeey Jimcaale oo isna ka mid ah guddiga ayaa sheegay in mudo ay ku qaadatay baaritaanka dilkii marxuumka, haatana natiijadii u soo baxday ay ku wareejiyeen xeer ilaalinta Guud, isla markaana hey’adaha garsoorka dalka laga doonayo qadista dacwadaas.