Askari ka tirsanaa ciidanka Jubbaland oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray

6

Askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka maamul Jubaland ayaa maanta ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, kaas oo ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Askarigan ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Maxamuud, waxaana intii aan qaraxa lala beegsan uu ku jiray howlo sugidda ammaanka la xariira oo ka socday magaalada Kismaayo.

Hey’adaha ammaanka ayaa hadda wada baaritaano la xiriira dhacdadaan, iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay ama loo soo qabtay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu magaalada Muqdisho u joogo shirka madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee looga arrinsanayo ismari-waaga ka waagan qabsomida doorashada dalka.