Dagaalkii u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta oo heshiis laga gaaray

4

Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa ka dhacay shir ay soo qaban qaabisay wasaarrada nabadda ee dowladda federalka Itoobiya, kaas oo looga hadlay xiisadda coleedeed ee ka dhex qaraxday is-maamullada Soomalida iyo Canfarta.

Shirkaas waxaa ka qayb-galay madaxda ugu sarraysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta. Waxaana dood dheer kadib la isla meel dhigay qodobadan:

1 –In la joojiyo dagaalka oo ciidamada labada dhinac ay ka fogaadaan jidka laamiga ah ee isku-xira Awaash iyo dalka Jabuuti, isla markaana loo jirsado ugu yaraan 10-km.

Ciidamada Soomaalida ayaa laga dalbaday in jidkaas ay 10 km dhanka bari uga jirsadaan, halka ciidamada Canfarta iyagana laga dalbaday in dhanka galbeed ay 10 km ka fogaadaan wadada laamiga ah ee xariirasa magaalada Awaash ee Itoobiya iyo dalka Jabuuti.

2 –In qadiyada seddaxda lahaanshaha magaalooyinka ee Garbaciise, Candhuuf Macaan iyo Cadeey lagu xalin doono nidaam sharci ah, inta ka horaysana ay ciidamada Qaranku sugayaan amniga shacabka magaalooyinkaas ku nool.

3 –In baaritaano lagu bilaabo weerarkii iyo waxyeeladii shalay ka dhacday magaalada Cadeey iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay ee dhex maray ciidamada Soomaalida iyo Canfarta.

4 –In wax deegaamayn cusub ah aan laga sameyn karin aaga colaadu ka jirto, isla markaana uu aagaas noqdo mid ka caagan ciidanka labada dhinac.

5 –In hey’adaha amniga dowladda dhexe ee Itoobiya ay bari laga bilaabo tagaan goobihii lagu dagaalamay.

Hoggaamiyaasha labada maamul ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa kala saxiixday heshiiskan hordhaca ah oo ay garwadeen ka tahay wasaarrada nabadda ee dowladda federalka Itoobiya.