New Zealand oo Hakisay dadka ka imaanaya dalka India

7

Waddanka New Zealand ayaa maanta oo ku dhawaaqay inay si kumeel gaar ah u joojiyeen soo galintaanka dhammaan dadka socdaalka ah oo uga imaanaya wadanka India, kuwaas oo ay ku jiraan muwaadiniinteeda.

Saraakiisha Caafimaadka New Zealand ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah kiisaska cusub ee COVID19 ay uga yimaadeen wadanka Koofurta Assia, waxaana xayiraadan ay saarnaan doontaa socotada uga imaaneysa India muddo laba todobaad ah.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii New Zealand ay diiwaan gelisay 23 kiis oo coronavirus oo cusub, kuwaas oo 17 ka mid ka yimaadeen India.

“Waxaan si ku-meelgaar ah u hakineynaa soo galista New Zealand socotada ka imaaneysa India” ayay Ra’isul Wasaare Jacinda Ardern ku tiri shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Auckland.

Waa markii ugu horeysay oo New Zealand ay xayiraad nuucan ah saarto muwaadiniinta iyo dadka heysta deganaashaheeda, waxaana New Zealand oo hore u sheegtay inay xuduudaheeda ka saartay COVID19 ay tani noqoneysaa markii ugu horeysay muddo 40 cishe ah oo ay diiwaan galisay dad uu soo ritay xanuunkan, kuwaas oo badankood ka India.