Maxaa ka cusub xiisadda boqorka Jordan iyo walaalkiis?

1

Xiisaddii u dhaxaysay Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad iyo Walaalkii Amiir Xamza ayaa u muuqata inay degtay. Arrintan ayaa imanaysa maalmo kadib markii Amiir Xamza lagu eedeeyay inuu faraha kula jiro xaalad-abuur iyo falal halis ku ah nabad-galiyada Boqortooyada Jordan.

Isku soo dhawaanshaha labada dhinac ayaa yimid kadib markii ay shalay kulmeen Amiir Xasan oo ah Boqorka adeerkii iyo Amiir Xamza, waxaana kulanka goobjoog u ahaa Amiir Haashim oo boqorka iyo amiirka is khilaafay la dhashay iyo saddex ka mid ah qaraabada boqorka.

Kulanka kadib ayuu Amiir Xamza soo saaray war-saxaafdeed uu magaciisu ku saxeexan yahay isaga oo sheegay in diyaar u yahay inuu u daacad u ahaado Boqorka, islamarkaana uu xaqdhowrayo dastuurka boqortooyada Jordan.

Amiir Xamza ayaa hore u sheegay inaanu u hgaansami doonin amarka lagu soo rogay ee ah inaanu guriga ka bixin islamarkaana aanu wax xidhiidh ah la sameeynin dibada waddanka.

Dowladda Jordan ayaa ku eedaysay Amiir Xamza, isaga oo dhinacyo shisheeye oo aan haybtooda la shaacin ka helaya taageero, inuu maleegayay falal ka dhan ah dowladda.

Laakiin amiirka ayaa beeniyay arrintaas isaga oo sheegay in la beegsanayo maadama oo uu ka hadlay musuq-maasuqa faraha ka baxay iyo xukuumadda oo uu ku tilmaamay mid aad u liidata.

Maalik Daxlaan oo ka mid ah ergada dhexdhexaadinta saaxiibna la ah qoyska boqortooyada ayaa sheegay in kulanka dhexdhexaadintu uu ahaa mid aad u wanaagsan, isaga oo tilmaamay inuu dhawaan uu rajaynayo heshiis buuxa in arrinkan laga gaadho

Sida ay shegtay wakaaladda wararka ee AP, Xiisaddan ayaa bilaabantay Sabtidii markii uu Taliyaha ciidamada Jordan uu tagay guriga Amiir Xamza isaga oo ku wargaliyay inaanu guriga ka bixi karin xidhiidhna la samayn karin dibadda.

Ugu yaraan 14 qof ayaa arrintan loo xidhay waxaana ka mid ah Baasim Cawadallah oo hore u ahaa agasimaha xafiiska Boqorka iyo Shariif Xasan Bin Zayd oo ka tirsan qoyska reer boqor.

Inta badan loogama baran dalka Jordan in madaxda sare la xidho, lamana oga halka ay ku dambeeyeen maxaabiistaas kadib waanwaanta markii la bilaabay.

Maraykanka iyo dalalka carabta ayaa si degdeg ah u taageeray boqor Cabdallaha Labaad.

Xamze iyo Cabdalla oo isku aabo ah ayaa waxaa dhalay boqor Xuseen oo dalka xukumayay kahor intii aanu geeriyoon 1999-kii, Markaas oo Cabdalla uu noqday boqorka isaga oo Xamze ka dhigay Dhaxal sugaha, inkasta oo shan sano ka dib uu xilkii ka qaday isaga oo ku badalay wiilkiisa Xuseen Bin Cabdallah.