Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Shirka Maanta Dib Uga Furmaya Afisyooni

5

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirka maalmihii lasoo dhaafay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa marka hore beeniyay warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo sheegayay inay fashileen wada-hadaladii u socday Madaxda ee looga hadlayay doorashada iyo khilaafka taagan.

Waxaa uu sheegay Agaasime C/rashiid Xaashi in Maanta oo tallaado ahuu dib u bilaaban doono Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ee hordhaca u ahaa Shirka Wadatashiga Qaran ee maalmaha soo socda furmi doona.

Sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in laga fogaado in shuruudo lagu xiro fulinta heshiiskii 17-kii Sep laga gaaray doorashada oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka ee muddo xileedkooda dhammaaday.

Shirka dhexmaray Madaxda sabti iyo Axada ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana Maanta oo talaado ah loo balansan yahay inuu dib u furmo Shirkaas oo looga hadli doono Ajendayaasha Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dhacaya.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada cadaadis xoogan ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.