Tallaalka COVID-19 Oo Maanta Ka Bilowday Degmo Ka Tirsan K/Galbeed

1

Tallaalka COVID-19 ayaa maanta laga daahfurey magaalada Xudur ee Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa tallaalka goobta dahfurka ku qaatay xildhibaano ka tirsan dowlad Maamulkaas iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Xudur.

Daahfurka munaasabada tallaalka Covid-19  oo lagu qabtay isbitaalka Xudur waxa ka ka hadlay qaar ka mid ah holwadeenada Caafimaadka oo sheegey in aysan waxyeelo laheyn talaalka bulshada looga baahan yahay in ay qaataan.

Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Bakool Yaxye Macalin Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin iyo Xildhibaan Xasan Ibraahim Lubuur oo talaalka lagu bilaabay ayaa bulshada faray inay qaataan tallaalka oo madaxda dalka ugu sareysa qaadatay.

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda qaadashada tallaalka looga hortegayo Cudurka halista ah ee COVID-19, xili Cudurka uu kusii faafayo dalka.