Maxay ka wadahadleen wasiir Mukhtaar iyo odayaasha Jubbaland?.

2

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta XFS Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Beelaha dagga Jubaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Dowlad Gobolkeedka Jubbaland.

Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland. Sidoo kale waxaa ay caddeeyeeyn in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.

Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ka dhageeystay cabashooyinka ay soo gudbiyeeyn odayaasha beelaha dagga deegaannada Jubaland iyo siyaasiin ku wehliyay kulanka ay la qaateeyn Wasiirka