Saraakiil tababar loogu soo xiray dalka Qatar oo ku soo wajahan Soomaaliya

2

afiirka Dowladda Federalka Soomaaliya  u jooga dalka Qatar Danjire  Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya  oo tababar u jooga dalkaas.

Safiirka oo uu la socday u qeybsanaa arrimaha ciidanka ee safaaradda Jeneraal Maxbuub Xasan Cabaade ayaa kulan waxa ay la qaateen saraakiil ka tirsan ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababar aqoon kororsi ah u joogay maalmihii la soo dhaafay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Saraakiishaan oo soo dhameystay tababarka aqoon kororsi ah ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku soo noqdaan dalka ,iyagoo qeyb ka noqon doona ciidamada u taagan difaaca dalka.