Dowladda Japan oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 4.5 milyan

12

Dowladda Japan ayaa sheegtay inay ugu deeqeyso Soomaaliya lacag dhan 4.5 milyan oo doollarka Mareykanka ah, taas oo loosoo marsiinayo hey’adda qaxootiga ee UNHCR, waxaana loogu talagalay dadka barakacayaasha iyo qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha qaxootiga wadamada jaarka la ah Soomaaliya.

Waxqabadkii ugu dambeeyay ee Japan wuxuu awood u siinayaa UNHCR inay dardar geliso dadaalkeeda bini’aadanimo ayna u fidiso adeegyo guud ahaan 32,460 qof oo ay ku jiraan qaxooti, ​​magangalyo-doonka ah, dib u soo laabasho, dadka gudaha ku barokacay (IDPs) iyo qoysaska bulshada martida u ah ee nugul.

Lacagtani waxay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya la dagaallameyso mowjado cusub oo ah infekshannada loo yaqaan ‘coronavirus ‘ kuwaas oo laga baqayo inay sii adkeeyaan Guulaha Dhaqaale ee laga gaaray Somalia marka loo eego lacagaha loogu deeqay.

Soomaaliya sidoo kale waxaa heysata biyo la’aan daran waxayna wali la daalaa dhaceysaa saameynta fatahaadii baahsaneyd sanadkii hore iyo Duufaantii Gati.

UNHCR waxay la shaqeyn doontaa shabakad kaashaneysa hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah sidii loo soo saari lahaa dhowr faragelin oo lagu taageerayo bulshooyinka nugul ee ka la daalaa dhacaya noloshooda inta lagu jiro aafada cudurka Covid 19, iyo sidoo kale in la dhiso awoodda hay’adaha dowladda ee ka hortagga faafitaanka COVID-19.

Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Johann Siffointe ayaa yiri “

Lacagtan deeqsinimada leh ee ka timid Dowladda Japan waa mid waqtigeedii ku soo aaday. Xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya – oo markii horaba ku jirtay heerar kala duwan ayaa noqotay mid aad u sii murgsan. Soomaaliya waxay ka mid tahay adduunka dalka ugu badan ee dad badan guryahoodi kabarakaceen waxaa lagu qiyaasaa 2.9 milyan oo qof Wax ku biirintani waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta dadaalkeenna socda ee la dagaallanka COVID-19 waxayna yareyn doontaa dhibaatada qoysaska ugu nugul.

Shantii sano ee la soo dhaafay, Japan waxay ku tabarucday in kabadan 22 milyan oo doolar, taasoo u saamaxday UNHCR inay kumanaan qof oo ku nool Soomaaliya la gaarto waxqabadyo qoysaa bdan lagu badbaadiyay oo ay ka mid yihiin hoy, nolol, waxbarasho, daryeel caafimaad iyo deeqo lacageed oo ujeedooyin badan leh.