R/wasaaraha Yahuuda oo maxkamad lasoo taagay

2

Maxkamad ku taala magaalada Qudus ayaa maanta dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah r/wasaaraha Israel Binjamin Natanyahu oo loo haysto musuq maasuq.

Asagoo wata dhar mad madow ayuu soo galay maxkamada waxaana dacwad oogayaasha gudoonka maxkamada u gudbiyeen cadaymo ay sheegeen inay ka hayaan Natanyahu kuwaasoo ay ku cad yihiin sida uu wax isku dabo mariyay inta uu xafiiska joogo.

Dacwad oogayaashu waxay ku eedeeyeen r/wasaare Natanyahu inuu shirkado ka qaatay lacag laaluush kuwaasoo uu u fududeeyay qandaraasyo ay u baahnaayeen intii u dhaxayday sanadihii 2018 illaa 2019.

Binjamin Natanyahu waa uu beeniyay eeda loo jeediyay inkastoo willi gudoonka maxkamadu willi go’aan gaarin.