Sarkaal ka tirsanaa militeriga Soomaaliya oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

4

Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta weeraray fariisimo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Sinadhaqo oo koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa noo sheegay in dagaal mudo kooban socday uu ka dhacay halkaas, isla markaana ay ku dileen ilaa seddax dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ay ku dhaawaceen tiro intaas ka badan.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in dagaalkaas uu ku dhintay Abaanduulihii ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Dhamme Sayid Bicir.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ciidanka xoogga dalka ka soo gaaray dagaalkaas, in kastoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga helin inta uu dhanyahay.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno deegaankii uu dagaalkaasi ka dhacay waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan oo laga saaray dagaalamayaashi halkaas ku sugnaa ee Al-Shabaab.