Taliska Militeriga Soomaaliya oo guulo ka sheegtay dagaaladii Awdheegle iyo Bariire

1

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay dagaaladii saakay ka dhacay Bariire iyo Awdheegle ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in kooxdu ay weerarro ku bilowday qaraxyo aroortii hore ee saakay ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarradaas ay Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigyada Bariire iyo Awdheegle, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare xoog leh.

Ugu yaraan 45 xubnood ayuu sheegay Taliye Biixi in Al-Shabaab ay uga dileen dagaalladii saakay ka dhacay Bariire iyo Awdheegle.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray dagaalamayaashii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday labada saldhig.

Dhanka kale afhayeen howlgallada kooxda Al-Shabaab Cabdicaziiz Abuu Muscab ayaa warbaahinta taageerta kooxda u sheegay in 47 askari ay weerarka Bariire uga dileen ciidamadadowladda, isla markaana lix gaari oo tikniko ah ay ka furteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid ka madax-banaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladii saakay oo dadka deegaanku ay sheegeen inay aad u cuslaayeen.