Maxaa looga hadlay shirkii madaxada DF iyo kuwa D/gobolleedyada?

3

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Abuukar Cismaan Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in uu soo gaba-bagoobay shirkii maanta u furmay madaxda dowladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay, Madaxweyne Farmaajo iyadoo looga hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirkaan u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, dib la isugu soo laaban doono maalinta berri.