Faah-faahin qarax caawa ka dhacay Muqdisho

8

Ugu yaraan shan ruux ayaa dhimatay oo uu ku jiro ilmo yar, halka afar kalena ay dhaawacmeen, kadib qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliska Booliiska oo faah-faahin ka bixiyay qaraxa ayaa sheegay in ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu isku qarxiyay maqaayad shaaxa lagu cabo oo ku taal xaafadda Shanta-geed degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Kooxaha gargaarka deg-degga oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, ayaa xarruumaha caafimaadka geeyay dadka qaraxa ku dhaawacmay.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayay ay barxadda Makhaayada ku sugnaayeen dad u badnaa dhinyaro, oo xilligaasi ku fiidsanayay.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse weerarada nuucaan ah waxaa Muqdisho ka fuliya dagaalamayaasha Al-Shabaab.