Maxaa ka jira in ay ciidamada Itoobiya xasuuq ka geysteen Tigraay?

6

Baaritaan uu sameeyay Barnaamijka BBC Africa Eye ee ka baxa BBC ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xogo muujinaya in ciidamada Itoobiya ay xasuuq ka geysteen gobolka Tigrey ee waqooyiga dalkaasi.

Horraantii bishii March waxaa baraha bulshada si weyn u dhex socday muuqaallo goosgoos ah oo muujinaya rag xiran tuutaha ciidamada oo ku soo baxay dad rayad ah oo aan hubeysneyn, kaddibna dadki rasaas ku furaya kuwaas oo ugu dambeyntii dhintey.

Waxaa iska soo badadhacaya marba marka kadambeysa, Xogaha wixii Ka dhacay Gobalka kuyaala woqooyiga Dalkaasi ee ay maamulijireen Kooxda TPLF,Tani waxaa ay imaaneysaa iyada oo dhawaan Dowladda Itoobiya ay ogolaatey in labaaro Xasuuq latimaamey in Gobalka uu ka dhacay.

BBC waxay xaqiijisay goobta uu xasuuqa ka dhacay iney ku dhowdahay magaalada Mahbere-Dego oo ku taallo waqooyiga deegaanka Tigraay, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF.