Puntland & Jubbaland oo DF ku eedeyay in ay ‘xaggal daacineyso’ qabsoomidda shirka

1

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hadlay sababaha hortaagan qabsoomida shirka wada-tashiga ee doorashada, iyagoona dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay xaggal daacineyso qabsoomidda shirka.

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada maamul ayaa waxaa lagu sheegay in aan weli is faham laga gaarin habkii uu u qabsoomi lahaa shirka.

Waxaa ay sheegeen in ay weli ka dhowr sugayaan qabsoomida shirka si bay yiraadeen:

“1.Loo dhammeystiro hirgelinta heshiiskii 17 September 2020, kaas oo gundhig u ah hannaanka hirgelinta doorashada Dalka,

2. Looga wada hadlo meel marinta soo jeedinadii Guddiga Farsamada ee Baydhabo 16 February 2021,

3. Lagana wada xaajoodo sharciyadda iyo awoodaha hay’adaha muddo xileedkoodii dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”.

Sidoo waxaa ay sheegeen in uu jirey shir Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah u socday muddo 3 maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarey sidii farsamo ahaan shirku ku qabsoomi lahaa, haseyeeshee  aysan suurto gelin in guul laga gaaro habkii loo wajihi lahaa qabsoomidda shirka.

“Dadaal ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka si ay shir isugu yimaadaan Pa’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaan weli hirgelin. Haddaba, waxaan ka digeynaa in wakhtiga kulanka oo sii dheeraada uu keeni karo in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii, maamulada Puntland iyo Jubbland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada Dalka ayadoo qabsoomiddiisa loo marayo tub lays la oggol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.