Madaxada qaar kamid D/gobolleedyada oo ku shiray Muqdisho

16

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada taagersan dowladda Federaalka ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ay wada qaateen Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada 2021.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim Bandhawow oo ka hadlaayay kulanka Madaxda ayaa waxaa uu sheegay in saddexda Madaxweyne ay ka arrinsadeen sidii loo xalin lahaa khilaafka doorashada.

nta uu socday kulanka ayaa dhiancyada isla soo hadal qaadeen sida looga gudbi karo caqabadaha heysta Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay shuruudo ku xireen ka qeyb galkiisa.

Madaxda maamulada dalka ayaa dhawaan is faham ka gaaray shuruudaha Puntland iyo Jubbaland ku xireen Shirka Wadatashiga, hayeeshee Madaxda ayaa isku fahmi waayay qodobka ah Ajendaha Shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaran doorashada dhaceysa, isla markaana doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay.