Kenya oo mar kale ku celisay in ay xireyso xarooyinka qaxootiga

7

Kenya ayaa mar kale ku hanjabtay inay xiri doonto laba xero qaxooti oo aad u weyn oo ku yaala dalkeeda, tallaabadaas oo ay walaac ka muujisay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) iyo ururada deeqaha bixiya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lana gaarsiiyay hay’adda UNHCR ayaa waxaa lagu yiri “14 maalmood oo kama dambays ah ayaa lagu xiri doonaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma”.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay “ma jirto meel loo sii wado wadaxaajood dheeraad ah”, xitaa iyadoo UNHCR ay sheegtay inay ku talo jirto inay wadahadal la furto dowladda Kenya in aan la gaarin mudada 14 cisho ku eg ee 6-da Abriil.

Kenya waxay martigelisay 512,494 qaxooti iyo magangalyo-doon ah, iyadoo Dhadhaab iyo Kakuma ay ku kala noolyihiin  224,462 iyo 163,299 oo qoxooti ah. Wadarta guud, 274,299 ayaa waxaa ay ka qaxeen Soomaaliya.

Kenya ma aysan bixin sababta keentay in ay ku dhowaaqdo tillaabadan, balse xeeldheerayaaasha siyaasadda ayaa sheegaya in arrintan ku lug leedahay xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada dal waxaa sidoo kale ka dhaxeeya dacwadda xadeynta badda ee Badweynta Hindiya taasoo horseeday in Soomaaliya ay Kenya u gudbiso maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.