Xildhibaan Caana-nuug “Ciidamo uu soo diray Guddoomiye Mursal ayaa kulanka naga hor istaagey”

0

Xildhibaanada xayiraada laga saaray kulamada baarlamaanka ayaa waxaa ay sheegeen in maanta laga hor istaagey ka qeyb galka shirka ka socda xarruunta Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuug oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in dhowr Kontorool ay ka celiyeen ciidamada dowladda, isaga iyo xildhibaanada shan iyo tobanka ah.