Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo Safiirka Jabuuti?

3

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Jabuuti u jooga Soomaaliya Danjire Aadan Xasan.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kulankaas maanta dhex maray uga wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka jira doorashada, sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ay baahisay madaxtooyada Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan. Madaxweynaha iyo Danjire Aadan Waxay ka wada hadleen guud ahaan  xaaladda dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.