Maxuu yahay barnaamijka cusub ee wasaaradda waxbarashadu ay daah-furtay?

10

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya, ayaa daah-furtay Barnaamij loogu talo galay in ardayda dugsiyada Hoose iyo Dhexe ay qaab online ah wax ugu baran karaan.

Barnaamijkan cusub oo loogu magac daray Fogaan-dersi, ayaa loogu talagalay in ardayda Soomaaliyeed ay u sahasho inay waxbarashadooda sii wataan inta ay Iskuullada u xiran yihiin feyraska Corona awgii.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji, oo daah furay barnaamijkan, ayaa sheegay in in muddo ahba ku howlanaayeen sidii barnaamijkan loo hirgelin lahaa, maantana ay ku guuleysteen in ay daah furaan, si sahlanna uu ku dhaqan geli doono.

Wasiirka Waxbarashada oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in barnaamijkan uu ardayda ka caawinayo in iyaga oo guryahooda jooga ay cashardooda qaab online ah ay u qaadanayaan, taas oo ay u sameeyeen maaddaama aan la ogeyn xilliga uu cudurkan aafada ah dhammaan doono.

Barnaamijkan oo ay diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda waxbarashada, ayaa hirgelintiisana waxaa wasaaradda ka taageeray Hay’adaha GPE, Save the Children iyo Midowga Yurub, sida uu sheegay wasiir Cabdullaahi Abuukar.