Villa Somalia oo si adag uga jawaabtay qoraal uu baahiyey Senator Cumar C/Rashiid

2

Afhayeenka Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyey in madaxweyne Farmaajo uu heshiis amni la soo saxiixanayo madaxda Itoobiya iyo Eritrea.

“Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Safarrada shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntii afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdiraamshiid Cali Sharma’arke ayaa maanta bartiisa Twitterka ku soo qoray in madaxweyne Farmaajo uu qirsheynayo inuu heshiis amni oo khatari uga imaan karto Soomaaliya uu la soo saxiixanayo madaxda Itoobiya iyo Eritrea.