Midowga Musharixiinta oo wada kulamo looga hadlayo muranka doorashada

10

Midowga Musharixiinta ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay u dhageystaan arragtidooda la xiriira xaaladda, gaar ahaan muranka doorashada ee weli taagan.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed oo Guddoomiye u ah Golaha Midowga Musharixiinta ayaa kamid ah xubnaha kulmada ka qeyb galaya.

Ugu horreyn, waxaa ay maanta kulan la qaateen Odoyaasha dhaqanka, iyadoo kulanka uu hordhac u yahay kulamo kale oo la qaadan doonnaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah leeyihiin madax goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Rooble.