Al-Shabaab oo ku hanjabay in ay weeraro ka fulin doonaan Jabuuti

8

Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubaydah ayaa hanjabaad cusub u jeediyey danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti.

Abu Cubaydah ayaa hadal ay daabaceen warbaahinta Al-Shabaab ku jeediyey hanjabaad ah weeraro keli-duul ah oo ka dhan ah danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti.

Hadalkiisan ayaa yimid iyadoo Jabuuti ay 9-ka bisha Abril isku diyaarinayso doorashooyinka madaxweyne.

Jabuuti weli kama aysan jawaabin hanjabaaddan ka timid Al-Shabaab. Jabuuti waxay ka mid tahay waddamada ciidanka usoo diray Soomaaliya.
Taliska milatariga Maraykanka oo saldhig ku leh Jabuuti ayaa sheegay inay ka war heleen hanjabaadda Al-Shabaab.

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle sare Christopher Karns ayaa u sheegay VOA in Al-Shabaab ay halis ku tahay danaha Maraykanka ee Bariga Africa. Waxa uu intaas ku daray in taasi ay muhiimad ka dhigayso in cadaadisku lagu sii hayo Al-Shabaab.

Maraykanku waxay inta badan ciidankooda ka saareen Soomaaliya kadib amar kasoo baxay madaxweynihii hore Donald Trump. Ciidanka Maraykanka ayaa taageero iyo tababar u fidinayey ciidamada Danab.

Waxaa sidoo kale Maraykanku uu duqaymo la beegsanayey Al-Shabaab. Tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Janaayo 20-keedii wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaalia weli lama xaqiijin.