Qaramada Midoobay oo ka hadashay kulankii Beesha caalamka iyo D/Gobolleedyada

8

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay kulankii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda dowlad-gobolleedyada iyo wakiilada beesha caalamka ee loo yaqaan C6+.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo kulanka ka dib hadlay ayaa waxaa uu soo dhoweeyay dedaalada socda eek u aadan sidii kulan wadajir ah la isugu keeni lahaa madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada.

“Waxaan ku faraxsanahay in la igu casuumay kulan ay igu wehliyeen saaxiibbada kale ee caalamiga ah si aan wada-hadal ula yeelanno shanta hoggaamiye ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”- ayuu yiri James Swan