Midowga Musharaxiinta oo war cusub ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka

8

Afhayeenka golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka weli ka jira doorashada, kulan ay ugu tageen madaxda dowlad goboleedyada iyo kulankii maanta fashilka ku soo dhamaaday ee golaha shacabka.

Daahir Geelle ayaa ugu horeyn sheegay in musharaxiintu ay maanta la shireen madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka, isla markaana ay u gudbiyeen codsiyada iyo talooyinkooda la xariira dhowrista hab-sami u socodka dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday kulankii maanta xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayuu sheegay inay heleen warar sheegaya in guddoonku damacsanaa ajende mudo kororsi ah, oo ku yimid rabitaanka Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

Daahir Geelle ayaa sidoo kale ayaa tilmaamay in arrinta mudo kororsiga ah aysan beensan, maadaama sidaan oo kale ay dhacday markii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, xilligaas oo guddoonku bedelay ajendihii horay loogu sheegay xildhibaanada.