Jubbaland: “Shacab waa inaad ka hortagtan cid kasta oo amni darro wada”

26

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay xaaladihii u dambeeyay ee gobolka Gedo iyo arrinta wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ee lka heshiiyay dowladda federaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka Jubbaland aysan arrintaasi waxba u dhimeyn, maskaxda ka danbeeysana ay tahay mid aan qaangaar ahayn oo dooneysa in shacabka iyo maamulka Jubbaland ay qal-qal amni geliso.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa ugu baaqay shacabka reer Jubbaland gaar ahaan shacabka gobolka Gedo in ay iska difaacaan cid walbo oo doon aysa in ay burburiso horumarkooda ay ka hortagaan, isagoona sheegay in khilaafka ka dhexeeya  mamaulka Jubbaland iyo dowladda dhexe uu yahay mid dastuuri, islamarkaana aysan ku xirneen mid ciidan iyo qof shaqsi  sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweyne Ku xigeenka ayaa imaanaya xili uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo salka ku haya arrinta gobolka Gedo.

Wasiirkii hore ee amniga dowladda gobolka Jubbaland oo xil-ka-qaadis ay ku sameysay dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  shalay gaarayay magaalada Muqdisho