Shir maanta Xalane uga furmay madaxda shanta maamul goboleed

2

Xarunta Xalane waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee kala ah Jubbaland, Galmudug, Puntland, HirShabeelle iyo K/Galbeed, waaxaana shirkaas ka maqan maqan madaxda dowladda federaalka.

Shirkaas oo weli socda ayaa ka furmay hotel ku yaalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha xerada Xalane, waxaana shirkaan diiradda lagu saarayaa is mari-waaga ka taagan furitaanka shirka guud ee madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Waxaa jiray shirar gaar gaar ah oo kuwaan ka horeeyey una dhaxeeyey madaxdan, sidoo kale caqabad weyn iyo shuruudo ayaa ku hor gudban inuu dhaco shir guud, si xal wadajir ah looga gaaro khilaafka doorashada.

Beesha Caalamka ayaa fududeysay shirkaan ay maanta yeesheen madaxda shanta maamul goboleed, waxaana lagu raja weyn yahay in ugu dambeyn madaxda Soomaalidu ay shir guud isku soo hor fariistaan, si heshiis dhameystiran looga gaaro khilaafka ragaadiyey doorashooyinka dalka.