Maxay kawada hadleen Beesha Caalamka iyo madaxda D/gobolleedyada?

18

Xalay waxaa magaalada Muqdisho kulan qaatay saacado badan ku yeeshay Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Kulankaan ayaa ka dhacay hoteel ku yaalo garoonka Aadan Cadde oo ay dagan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in shirka lagu gaaray abaaro 1-dii habeenimo, waxa uuna socday in kabadan 4 saacadood oo xariir ah. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in aysan jirin cid goob joog aheyd kulanka iyadoo loo diiday kaamira-maanadii la socotay madaxda.

Kulankaan ayaa aad looga hadlay xaalada wadanka iyo muranka doorashooyinka, si gaar ah waxaa looga hadlay sidii la isugu fahmi lahaa Ajnadaha shir muhiim ah oo todobaadkan qabsoomi doono.Waxaa la sheegay in shirka uu ku soo dhamaaday is faham islamarkaana la qorsheeyay in dhinacyada maanta soo sameeyaan la tashiyo maalinta berri ahna la isugu soo laabto si loo sii wado wadahadalka.

Madaxweyneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay diiday in ay ka qeyb galaan shir afartii maalmod ugu socday Madaxweyne farmaajo iyo qaar ka mid ah maamulada taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona shuruudo ku xiran ka qeyb galka Shirka

Beesha Caalamka ayaa wado dadaalo lagu dhameynayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keeno madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.