Dowladda oo si rasmi u shaacisay in ay la heshiisay Cabdirishiid Janan

8

Wasiirkii hore ee Amniga Jubalad, C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa heshiis la galay dawladda Federal-ka ee Soomaaliya, waxaana manta oo Isniin ah isaga iyo ciidamo uu wata soo gaaray magaalada Beled-Xaawa oo dhacda Xadka Kenya.

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, C/raxman Yusuf Cumar (Cadaala) ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socday dawladda oo isaga kamid yahay ku soo dhaweeyey Magaalada Beled-Xaawo ee gobalka Gedo

“Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu” ayuu yiri, Cadaala.

Wasiir Cadaala ayaa intaas ku daray in wasiir Janan ay la socdaan  Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka , Waxa uuna talaabadaan ku micneeyey mid ka farxo.