Qodobadii Ay Isku Af-Garteen Guddigii Farsamada Ee Baydhabo Oo Lasoo Bandhigay

6

Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa soo bandhigtay Qodobadii ay isku raaceen Guddigii Farsamada ee dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee 15-16 Febraayo ku shiray Magaalada Baydhabo.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay si qoto dheer uga doodeen sidii doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ugu qabsoomi laheyd muddo cayiran.

Guddiga Farsamada ayaa siweyn uga dooday saddex qodob ee uu khilaafka doorashada Soomaaliya ka jiro, kuwaasi oo kala ah Guddiga doorashada, Arrinta Simaliland iyo Gobolka Gedo oo ay isku haayan dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Sidoo kale Guddiga ayaa qodobadaas iyo kuwo kale oo dhowr jeer Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada isku fahmi waayeen kasoo talo bixiyay, iyagoona u gudbin lahaa Shirkii ay Madaxda isugu imaan lahaayeen, si ay dood uga yeeshaan.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Guddigii Farsamada ee Baydhabo.