Qaramada Midoobey oo ka hadashay qorshaha Kenya ay ku xireyso xeryaha Dhadhaab

8

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Kenya ay ha’yadda ku wargelisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma muddo gaaban gudahood.

UNHCR waxay sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Karoona.

Waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto wadahadalladan ay arrintan kala yeelaneyso mas’uuliyiinta Kenya.

“UNHCR waxay taageero la garab taagan tahay dowladda Kenya gaar ahaa in lasii xoojiyo howlaha socday si xal loo gaaro isla markaana la qaddariyo dadka qaxootiga ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNHCR.

Xigasho:BBC