Cabdi Xaashi” Kulamada Madashu way sii socon doonaan inta dalka laga badbaadinayo xaaladda uu marayo”.

2

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa shir ku yeeshay Madasha Badbaado Qaran, kaasi looga hadlay ismari waagga siyaasadeed ee weli ka taagan arrimaha doorashada.

Madashan ayaa waxaa ku mideysan maamulada Puntland, Jubbaland , Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland.

Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran , Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa warbaahinta la wadaagay in kulamada Madashu sii socon doono inta dalka laga badaadinayo xaaladda uu marayo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay muhiim tahay in dalka la badbaadiyo, islamarkaana la isugu yimaado shir looga hadlayo arrimaha Siyaasada Soomaaliya

”ilaa aan ka gaareyno dowlad heshiis lagu yahay dhibaatadan kama baxeyno Madashana waxay u dhalatay badbaadada dalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi