Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo saxiixday heshiis Ganacsi

4

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya,  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay xukumadda heshiis la saxiixday hey’adda maalgashiga iyo ganacsiga ee IFC oo xubin ka ah Bankiga Adduunka.

Wasiirka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayaa waxa a ku sheegay heshiiska in uu quseeyo horumarinta ganacsiga dalka iyo in uu gacan ka geysto shaqo abuurka dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaana yiri sidaan:

“Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka,” ayuu yiri wasiirka.