Jubbaland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Xaaladda Abaaraha

7

Wefdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaarey magaalada Kismaayo ayaa kulamo looga hadlay xaaladda Jubbaland la qaatay mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Wefdiga oo hoggaaminayay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay,adaha UNHCR, WHO, UN OCHA ayaa xaruunta madaxtooyadda kulan kula qaatay Madaxweyne u-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland.

Labada dhinac, Kulanka kawada hadlay xaaladda binu-aadanimo ee ka jirta deegaanada Jubbaland, gaar ahaan abaaraha ba’an ee ka jira gobolada maamulkaasi.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay xanuunka Coronavirus ee ku soo laba kacleeyay dalka iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen sidii looga hortagi lahaa.