Shir wada-tashi ah oo Galmudug iyo Itoobiya uga furmay Wardheer

5

Shir u dhaxeeya wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalim oo ay kamid yihiin wafdi wasiirro iyo hoggaanka Nabad-gelyada dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa maanta ka dhacay magaalada Wardheer ee dowlad deegaanka.

Labada wafdi ayaa yeeshay kulamo oo ku saabsan: nabadgalyada xuduudaha, qiimayn heshiisyo amni oo horay labada dhinac ay u kala saxiixdeen, dhacdooyin amnidarro iyo isku dhacyo maleeshiyaad ku dhexmaray xadka labada dal ee ku aaddan labada maamul iyo sidoo kale sidii la isaga kaashan lahaa amniga xuduuda dheer ee labada maamul u dhexeysa iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada iyo kuwa gacansaarka la leh.

Kulamada ayaa weli soconaya ayadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay qodobada intooda badan isla fahmeen, qodobada dhimanna maanta laga sii wada hadli doono.