Shiinaha iyo Mareykanka oo wadahadalo yeeshay

3

Saraakiisha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa hadalo kulul isku waydaarsaday wadahadaladii ugu heerka sareeyay ee u dhaxeeya maamulka Biden iyo Shiinaha kuwaasi ka socda Alaska.

Saraakiisha Shiinaha ayaa Mareykanka ku eedeeyay in dalalka kale ay kicinayaan oo ay ugu baaqayaan “in shiinaha la weeraro”,.

Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in Shiinaha ay “imaanshiyahooda ay uga gol lahaayeen is tus-tus”.

Xiriirka u dhaxeeya labadan dal ee awoodda badan ayaa ahaa muddooyiinkii u dambeeyay mid aad u xun

Mareykanka ayaa balanqaaday in kulanka ay Shiinaha kala hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay sida ay Beijing ula dhaqanto Muslimiinta Uighur ee gobolka Xinjiang.

Wadahadalada labada dhinac ayaa dadka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweyne Biden Jake Sullivan.

Dhanka Shiinaha waxaa wadahadalada uga qeyb galaya sargaalka ugu sareeya Shiinaha u qaabilsan siyaasadaha arrimaha dibadda , Yang Jiechi, iyo wasiiraka arrimaha dibadda Wang Yi.

Si kastaba ha ahaatee saraakiisha Mareykanka ayaa waxay sheegeen, in wadahadaladan ay albaabada u xiran yihiin ay ahaayeen “kuwa muhiim ah oo toos ah” lana qorsheynayo in uu socdo muddo labo saacadood ah.

Xigasho:-BBC