DFS oo ciidamo horleh geysay gobolka Gedo

10

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Doolow ee gobolka Gedo ka dejisay ciidamo hor leh oo ka tirsan Militeriga, gaar ahaan guutada Gorgor.

Ciidamadan iyo gadiidkooda ayaa maanta diyaaradi ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow waxaa ciidamadan ku soo dhoweeyay talyaha ciidamada Xasilinta Gobalka Gedo Bakaal kooke, Mas’uuliyiinta Gobalka Gedo iyo Saraakiil ka tirsan Militeriga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli faah-faahin ka bixin ujeedka rasmiga ee ka dambeeya, in ciidamo hor leh la gaarsiiyo gobolka Gedo.

Gobolka Gedo, ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, kuwaasi oo ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.